Xog: Hay’ado Reer Galbeed ah oo Loo Fasaxay Inay Ka Howlgalaan Deegaanada Ay Al-Shabaab Maamusho

Xogo ay xaqiijinayaan ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in isbeddello cusub laga dareemayo qaabka hay’adaha gargaarka iyo kuwa caalamiga ah uga shaqeyn karaan deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxaha argagixisada ee Soomaaliya.
Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, mid ka mid ah dowladaha Reer Galbeedka ayaa oggolaansho siisay hay’ad aan markii hore ka hawlgeli jirin deegaannadaas, taas oo hadda loo fasaxay inay halkaas ka fuliso adeegyo iyo gargaar kooban. Faahfaahin rasmi ah lagama bixin nooca hay’adda, goobaha ay ka shaqeyn doonto iyo habka loo dammaanad-qaadayo ammaankeeda.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhinaca kale la sheegayo in kooxaha hubeysan ay dabciyeen xayiraado ay muddo dheer ku hayeen qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in hay’ado dibadeed iyo kuwo gudaha ah oo markii hore aan loo oggolayn inay ka hawlgalaan deegaannadaas hadda loo fasaxay adeegyo gaar ah.
Waxa aan weli caddayn waxa sababay isbeddelkan, shuruudaha lagu xiray hay’adaha la oggolaaday iyo haddii ay jiraan wada-hadallo ama heshiisyo ka dambeeya tallaabadan.
Xogaha ayaa intaas ku daraya in mid ka mid ah safaaradaha Reer Galbeedka ee xaruntoodu tahay xerada Xalane ay oggolaatay in hay’ado ay taageerto ama xiriir la leh ay gaaraan deegaannadaas, halkaasna ay ka fuliyaan gargaar iyo adeegyo xaddidan oo ay kooxaha gacanta ku haya deegaannadu oggolaadeen.
Haddii arrintan ay sii ballaarato, waxay noqon kartaa isbeddel weyn oo ku yimaada sida gargaarka bani’aadannimo loo gaarsiiyo dadka ku nool deegaannada ka baxsan gacanta dowladda, balse weli waxaa jira su’aalo culus oo ku saabsan cidda dammaanad-qaadaysa ammaanka shaqaalaha, shuruudaha lagu shaqeynayo iyo halka uu ku egyahay oggolaanshaha cusub.









