LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog:- Diyaarad sidday hub culus oo kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Diyaarad ciidan oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa saacadihii la soo dhaafay ka soo degtay Gegida Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho, iyadoo ay si weyn diyaaradaas looga dareemay Muqdisho.

Goobta ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Turkiga ee ka howlgala Mogadishu, iyo sidoo kale masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Waxaa ka mid ahaa wasiirka gaashaandhigga, Axmed Macalin Fiqi, oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqyada la xiriira diyaaradaasi.

Muddooyinkii dambe, dowladda Turkiga ayaa si weyn u xoojisay taageeradeeda dhinaca milatariga ee Soomaaliya, taas oo isugu jirta:

Tababarro la siiyo cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka

Qalab iyo hub casri ah oo la gaarsiiyo ciidamada

Kor u qaadista awoodda guutooyinka gaarka ah, gaar ahaan kuwa Gorgor

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in diyaarada timid ay suuragal tahay inay waday hub noocyo kala duwan leh, inkasta oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan ujeedka rasmiga ah ee diyaaradaasi. Sidoo kale, dowladda Turkiga kama aysan hadlin arrintan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *