LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Hawiye oo ka shiraya damaca Villa Somalia

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir ballaaran oo ay yeelanayaan odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Villa Soomaaliya, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in shirkaasi lagu lafaguri doono qorshaha doorashada ee dowladda Federaalka, iyadoo ka qeybgalayaasha ay muujinayaan walaac xooggan oo ku aaddan in doorashooyinka la qorsheeyay aysan noqon kuwo loo dhan yahay. Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku doodaya in aysan aqbali doonin doorasho hal dhinac ah oo natiijadeeda hore loo sii og yahay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo jeeda Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waday kulamo isdaba joog ah, kuwaas oo ay uga tashanayeen sida ay uga hortagi karaan waxa ay ku tilmaameen “damaca siyaasadeed” ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka digaya in la sameeyo hannaan doorasho oo aan hufneyn.

Ilo ku dhow kulamada mucaaradka ayaa tilmaamaya in ay jiraan dadaallo lagu mideynayo aragtida siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka si loo helo mowqif mideysan oo lagaga jawaabo qorshaha dowladda. Waxa sidoo kale la filayaa in kulamadaasi ay sii socdaan maalmaha soo socda, iyadoo la isku dayayo in la helo taageero ballaaran oo ka dhan ah qorshaha Villa Soomaaliya.

Dhanka kale, shacabka ku nool Muqdisho ayaa la sheegay inay dareemayaan cabsi iyo hubanti la’aan ku saabsan halka ay xaaladda siyaasadeed ee dalka u jihaysan karto, gaar ahaan haddii uu sii xoogeysto khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka.

Ilaa iyo hadda, lama oga natiijada kama dambaysta ah ee ka dhalan karta kulamadaasi iyo is-mariwaaga siyaasadeed ee taagan, hase yeeshee indhaha ayaa si weyn loogu hayaa go’aannada kasoo baxa shirka la filayo inuu furmo, kuwaas oo saamayn ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *