Xisbiga Himilo Qaran Oo Si Adag Uga Hadlay Weerarkii Xasan Sheekh Ku Qaaday Sheekh Shariif

Xisbiga Himilo Qaran ayaa war-saxaafadeed uu caawa soo saaray ku sheegay inuu si weyn uga walaacsan yahay xaaladda amni iyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan ciidamada la geeyay agagaarka guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.
Xisbigu wuxuu sheegay in dadaalladii nabadeed ee ay hormuudka ka ahaayeen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin iyo qaybaha bulshada rayidka ah ay weli socdaan, isla markaana loo baahan yahay in la ilaaliyo jawi degan oo taageera wadahadalka iyo xalinta khilaafaadka siyaasadeed.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada la geeyay deegaanka ay ku sugan yihiin Shariif Sheekh Axmed ay kordhin karaan xiisadda jirta, iyadoo xisbigu ugu baaqay dowladda Federaalka inay dib u eegto tallaabooyinka amni ee laga cabsi qabo inay sii hurin karaan xaaladda.
Sidoo kale, Himilo Qaran ayaa cambaareeyay adeegsiga hubka culus, madaafiicda iyo hoobiyeyaasha lagu dhex isticmaalo goobaha shacabka, isagoo ku boorriyay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan masuuliyad siyaasadeed iyo dulqaad si looga fogaado khasaarooyin hor leh.
Xisbigu wuxuu ugu dambeyn soo dhaweeyay dadaallada nabadeed ee ay wadaan waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, isagoo ku baaqay in khilaafaadka jira lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad siyaasadeed.










