Tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaallada Muqdisho oo la shaaciyay

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen halka 189 kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaadyadii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahanno la safan mucaaradka.
Warbixin ay UNHCR soo saartay Jimcihii ayaa lagu sheegay in rabshadahaasi ay sidoo kale sababeen barakaca ku dhawaad 12,500 oo qoys, kuwaas oo ay ku jiraan haween iyo carruur fara badan, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo saameynta bani’aadannimo ee sii kordheysa.
Dagaallada ka dhacay xaafado kala duwan oo ka tirsan caasimadda ayaa sababay in dad badan ay ka qaxaan guryahooda si ay uga badbaadaan rasaasta culus iyo qaraxyada. Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay in dadka barakacay ay si degdeg ah ugu baahan yihiin hoy, cunto, biyo nadiif ah iyo adeegyo caafimaad.
UNHCR ayaa muujisay walaac xooggan oo ku saabsan saameynta ay colaaddan ku yeelatay shacabka rayidka ah, waxayna ku baaqday in la ilaaliyo dadka aan dagaalka ku lugta lahayn isla markaana la joojiyo tallaabooyinka horseedi kara barakac hor leh.
Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay ka jiraan xiisado siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo beesha caalamka ay marar badan ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay wadahadal ku xalliyaan khilaafaadkooda kana fogaadaan tallaabooyin halis gelin kara xasilloonida dalka.









