LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xasan Sheekh oo qorshe cusub miiska soo dhigay kaddib jabkii Puntland, Sool iyo Galguduud oo…

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo xiriir ah la yeeshay qaar ka mid ah dhinacyadii Dowladda Federaalka kala shaqeynayay qorshayaashii siyaasadeed iyo militari ee Puntland, iyadoo hadda la qiimeynayo waddo cusub kaddib markii wejigii hore uusan kasoo bixin natiijadii laga filayay, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha uu kulamada ku muujiyay dhaliilo ku saabsan qaabkii loo maareeyay qorshihii hore, gaar ahaan xogihii laga gudbiyay tirada ciidamada iyo maleeshiyaadka la sheegay inay diyaar u ahaayeen inay Dowladda Federaalka la safaan iyo awooddooda dhabta ah.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan, Villa Somalia ayaa lagu wargeliyay in dhinacyadii qorshaha qaybta ka ahaa aysan si sax ah u soo bandhigin awoodda ay haysteen, isla markaana qaar ka mid ah kooxahaasi ay lahaayeen dano iyo qorshayaal kala duwan oo aan si buuxda isugu xirnayn.

Saddex kulan iyo qorshe cusub

Ugu yaraan saddex kulan ayaa la sheegay inay dhaceen wixii ka dambeeyay fashilkii ku yimid dadaalladii Dowladda Federaalka ee Puntland, iyadoo kulankii ugu dambeeyay oo dhacay shalay lagu soo bandhigay qorshe cusub oo lagu doonayo in dib loogu habeeyo kooxaha taageersan Dowladda Federaalka.

Qorshaha cusub, sida xogaha la helayo tilmaamayaan, waxaa ka mid ah in maleeshiyaad iyo ciidamo kala duwan la isugu geeyo deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Galguduud, halkaas oo laga sameynayo xarumo loogu yeerayo dib-u-habeyn iyo tababar ciidan.

Haddii qorshahan loo fuliyo sida xogaha lagu sheegay, wuxuu abuuri karaa awood ciidan oo cusub oo ka baxsan goobihii hore ee lagu loollamayay, taas oo dhalin karta walaac ku saabsan in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho furitaanno cusub oo militari.

Villa Somalia oo weli indhaha ku haysa gudaha Puntland

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in Villa Somalia aysan weli ka quusan suurtagalnimada in kooxo iyo saraakiil ku sugan gudaha Puntland ay mustaqbalka dhinaceeda u soo wareegaan, kaddibna loo raro goobaha loo asteeyay qorshaha cusub.

Hase yeeshee, xaqiijinta arrintaas ayaa hadda u muuqata mid aad uga adag sidii hore, gaar ahaan marka la eego isbeddelladii militari iyo siyaasadeed ee dhowaan ka dhacay Puntland.

Qorshahan cusub wuxuu muujinayaa in loollanka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland aanu weli dhammaan, balse laga yaabo inuu galo weji cusub oo ka duwan kii hore, iyadoo indhaha hadda lagu hayo Sool iyo Galguduud iyo halka uu ku dambeyn doono qorshaha dib-u-abaabulka la sheegay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *