LATEST NEWSLOCAL NEWSTECH NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya iyo UNDP oo qalinka ku duugay is-afgarad cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Christophoros Politis, oo ah Wakiilka cusub ee Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya.

Guddoomista waraaqaha aqoonsiga kaddib, Politis ayaa kulan la yeeshay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Hamza Adan Haadoow, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP.

Labada dhinac ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu dhisayo hannaan cusub oo lagu sii xoojinayo wada-shaqeynta, laguna taageerayo mudnaanta horumarineed ee Soomaaliya.

Heshiiska ayaa la filayaa inuu saldhig u noqdo ballaarinta iskaashiga dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, kobcinta awoodda hay’adaha qaranka iyo taageeridda qorshayaasha la xiriira horumar waara.

Dowladda Soomaaliya iyo UNDP ayaa kulanka mar kale ku xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyadoo la soo dhaweeyay doorka UNDP ee taageerada horumarinta hay’adaha dowladda iyo dadaallada lagu xaqiijinayo kobac waara oo dalka ka hanaqaada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *