Xasan Sheekh oo eed culus wajahaya: Golaha Mustaqbalka oo ku eedeeyay hurinta…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed ay shalay soo saareen si adag ugu cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen dhaq-dhaqaaqyo iyo ciidamo uu Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday, Xasan Sheekh Maxamuud, ku daabulay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ay sheegeen inay abuureen xiisad colaadeed oo khatar ku ah nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha shacabka Galmudug iyo Puntland.
Goluhu wuxuu sheegay in dagaalladii maanta ka dhacay duleedka Gaalkacyo ay tusaale u yihiin halista ka dhalan karta tallaabooyinka siyaasadeed iyo amni ee lagu hurinayo xiisadda, iyagoo ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu sii hurinayo colaado halis gelin kara shacabka iyo dowladnimada Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Gaalkacyo ay muddo dheer ka soo kabanaysay colaado iyo dagaallo hore, islamarkaana aysan mudnayn in mar kale loo horseedo qalalaase cusub oo dhaawaca nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu intaas ku daray in xilli dalka uu wajahayo dagaal adag oo ka dhan ah Al-Shabaab, aan loo baahnayn in awoodda iyo ciidamada dowladda loo adeegsado hurinta khilaafyo siyaasadeed oo gudaha ah.
Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu ugu baaqay maamulka, isimada dhaqanka, culimada, waxgaradka iyo dhammaan bulshada rayidka ah inay si mideysan uga shaqeeyaan ilaalinta nabadda, kana hortagaan colaad kasta oo khatar ku ah magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan dalka.










