Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu colaad ka hurinayo Gaalkacyo

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu door ka leeyahay xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Galmudug, isagoo sheegay in xaaladdu ay halis gelin karto nabaddii iyo wada noolaanshihii ka jiray magaalada Gaalkacyo.
Cabdiraxmaan ayaa ku andacooday in muranka doorashada Galmudug iyo dagaallada ka soo cusboonaaday koonfurta Gaalkacyo ay sii xoojinayaan kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo amni ee gobolka.
Isagoo ka hadlayay dagaalkii maanta ka dhacay koonfurta Gaalkacyo, ayuu sheegay inuu muujinayo khatarta colaaddu ku leedahay bulshada magaalada, kuwaas oo muddo dheer ku wada noolaa heshiis iyo derisnimo.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay waxgaradka, odayaasha dhaqanka, culimada, dhallinyarada, haweenka iyo guud ahaan shacabka Gaalkacyo inay ka feejignaadaan wax kasta oo hurin kara colaadda, isla markaana ay mudnaanta siiyaan nabadda, wada noolaanshaha iyo ilaalinta dhiigga shacabka.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dadka deegaanka ay yihiin kuwa ugu horreeya ee ay saameyn doonto colaad kasta oo ka dhacda Gaalkacyo, isagoo ku baaqay in xiisadda lagu xalliyo wada hadal iyo is-afgarad.









