LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
Dagaal Culus oo Hoobiyeyaal La Isku Adeegsanayo oo Ka Qarxay Bariga Gaalkacyo

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dagaal culus oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, oo ay ku jiraan hoobiyeyaal, uu ka socdo bariga magaalada, halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in hoobiyeyaal lagu garaacay aagga dagaalka, kuwaas oo qaarkood ku dhacay xaafado ay dad rayid ahi deggen yihiin. Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in ay jirto waxyeello soo gaartay shacabka, hase yeeshee weli lama xaqiijin tirada khasaaraha.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa saacadaha soo socda iyadoo xaaladda amni ee Gaalkacyo ay weli aad u kacsan tahay.







