Golaha wasiirrada oo go’aan culus ka qaatay amniga Soomaaliya iyo heshiisyo cusub oo la ansixiyey

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan sugidda amniga iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta.
Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey laba heshiis oo ay Soomaaliya la gashay dalka Muritaaniya.
Heshiisyada la ansixiyey ayaa kala ah Heshiiska Wadatashiyada Siyaasadeed iyo Heshiiska Iskaashiga Barnaamijka Tababbarka Diblumaasiyadda.
Labadan heshiis ayaa lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Muritaaniya, gaar ahaan dhinacyada arrimaha siyaasadda, wadatashiyada diblomaasiyadeed iyo tababbarka diblomaasiyiinta.
Dowladdu waxay sheegtay in heshiisyadani ay gacan ka geysanayaan horumarinta awoodda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo sii xoojinta xiriirka labada dal.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa kulanka uga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga iyo la-dagaallanka Khawaarijta.









