LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Garsooore heer Caalami Cumar Cartan oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

Garsooraha heer caalami ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka soo laabtay safar dibadda ah.

Soo dhoweyntiisa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, garsoorayaal Soomaaliyeed, qeybaha bulshada rayidka ah, iyo boqolaal shacab ah oo si weyn u muujiyay taageero iyo soo dhoweyn.

Cumar Cartan ayaa sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan qaaradda Afrika, isagoo noqday astaan dhiirrigelin u ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku hamineysa inay gaaraan heerarka ugu sarreeya ee kubadda cagta caalamiga ah.

Maqnaanshihiisa Koobka Adduunka ayaa loo arkaa khasaare weyn oo ku yimid isaga iyo guud ahaan kubadda cagta Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu helay taageero iyo garab istaag ballaaran oo caalami ah, taasoo lagu ammaanay xirfaddiisa iyo dadaalkiisa garsoornimo.

Soo dhoweynta maanta ka dhacday Muqdisho ayaa muujisay sida shacabka Soomaaliyeed ugu faanayaan mid ka mid ah garsoorayaasha ugu magaca dheer dalka ee ka dhex muuqday saaxadda kubadda cagta caalamka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *