Xasan Sheekh iyo Turkiga oo Carabta u cararaya: Qorshaha lagu badbaadinayo AUSSOM iyo Xalane

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Turkiga ayaa lagu soo warramayaa inay wadaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu raadinayo dhaqaale ay dalalka Carabta ku taageeraan sii joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM gudaha Soomaaliya, xilli mustaqbalka howlgalka uu galay marxalad aan la hubin.
Wararka ayaa sheegaya in qorshuhu yahay in ciidamada Midowga Afrika lagu sii hayo Soomaaliya muddo dheeraad ah, gaar ahaan gudaha Muqdisho iyo xarunta amniga ee Xalane, iyadoo ciidamada Uganda ay door muhiim ah ku leeyihiin amniga caasimadda.
Qatar, Turkiga iyo Sacuudiga oo la doonayo in laga raadiyo maalgelin
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in wafdi ka socda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u safray Qatar, kadib markii ay sii mareen Ankara, iyadoo qorshuhu yahay in sidoo kale lala xiriiro Masar iyo dhinaca Sacuudiga si loo raadiyo taageero dhaqaale oo lagu sii wadi karo howlgalka AUSSOM.
Haddii qorshahan uu hirgalo, wuxuu Soomaaliya siin karaa waqti dheeraad ah oo ay ku sii haysato ciidamada Midowga Afrika, iyadoo ciidamada Soomaaliyeed loo diyaarinayo inay si tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.
Mareykanka oo albaab adag dhigay
Dhibaatada ugu weyn ayaa ah maalgelinta howlgalka.
Mareykanka ayaa 1-dii July 2026 ku dhawaaqay inuu joojinayo taageeradii dhaqaale iyo saadka ee UNSOS dhammaadka sanadkan. Tallaabadaasi waxay si toos ah khatar ugu tahay AUSSOM, maadaama UNSOS ay muhiim u tahay saadka iyo taageerada howlgalka.
Shirka Kampala ee dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM ayaa sidoo kale ku dhammaaday iyadoo aan la helin maalgelin la hubo oo lagu xaqiijiyo mustaqbalka howlgalka. Waxaa la soo jeediyay in la raadiyo qorshe taageero oo socon kara 18 ilaa 24 bilood, balse ballanqaad dhaqaale oo rasmi ah lama helin.
Uganda oo laf-dhabar u ah amniga Muqdisho
Uganda ayaa muddo dheer kamid ahayd waddamada ugu muhiimsan ee ciidamadooda ka howlgala Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.
Sidaas darteed, haddii taageeradii caalamiga ahayd ay yaraato, sii joogitaanka ciidamada Uganda iyo kuwa kale ee AUSSOM wuxuu si weyn ugu xirnaan karaa in la helo ilo dhaqaale oo cusub.
Maxaa hadda miiska saaran?
Dowladda Soomaaliya waxay wajahaysaa laba doorasho oo adag: in si degdeg ah loo dedejiyo la wareegidda amniga ciidamada Soomaaliyeed, ama in la helo dhaqaale cusub oo ciidamada AUSSOM loogu sii hayo dalka inta ciidamada Soomaaliya la xoojinayo.
Khabiirro ayaa hore uga digay in bixitaan degdeg ah oo AUSSOM ah uu abuuri karo firaaq amni, maadaama ciidamada Soomaaliya aysan weli si buuxda u dabooli karin dhammaan mas’uuliyadaha amni ee ciidamada shisheeye.









