Laftagareen oo war culus kasoo saaray dagaalkii Baydhabo, Xasan Sheekhna ki eedeeyay…

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, ayaa si adag u difaacay ciidamada taabacsan maamulkiisa, kaddib dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee Isniintii ka dhacay magaalada Baydhabo.
Xafiiska Laftagareen ayaa sheegay in howlgalkii ay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ka sameeyeen Baydhabo ay ujeeddadiisu ahayd soo celinta amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta magaalada.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Daraawiishtu ay magaalada ka saareen ciidamo uu maamulku ku eedeeyay in si sharci-darro ah loo geeyay Baydhabo, isla markaana ay khatar ku ahaayeen amniga shacabka.
Xafiiska Laftagareen ayaa sidoo kale wararka ciidamada Daraawiishta ku sifeynaya koox hubeysan ku tilmaamay “dacaayad been abuur ah.”
Dhanka kale, Laftagareen ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si sharci-darro ah u adeegsaday qalab iyo gaadiid militari oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, si loogula dagaallamo ciidamada Koonfur Galbeed. Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymahan.
Xafiiska Laftagareen ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Baydhabo ay soo dhaweeyeen ciidamada Daraawiishta, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay “xoreynta” magaalada.
Laftagareen ayaa ugu dambeyn sheegay in maamulkiisu uu sii wadi doono dadaallada lagu ilaalinayo shacabka, lagu difaacayo hay’adaha Koonfur Galbeed iyo lagu sugayo amniga guud ee gobolka.










