LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Baydhabo iyo ciidamada DF oo…

Magaalada Baydhabo ayaa weli ku jirta xaalad amni oo kacsan, kaddib dagaalkii shalay ka dhacay magaalada oo ay ku dhinteen in ka badan 50 ruux, halka tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa fariisimo cusub oo lagu xoojinayo amniga ka sameystay duleedka Baydhabo.

Tallaabadan ayaa timid kaddib kulan xalay magaalada Baydhabo ku dhexmaray saraakiisha amniga Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada loogana hortagi lahaa weerarro iyo falal amni-darro oo dheeraad ah.

Dhanka kale, ciidamada daacadda u ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan dagaallada iyo weerarrada ka dhanka ah magaalada Baydhabo.

Hanjabaaddan ayaa sii kordhisay walaaca laga qabo in dagaallo kale ay magaalada ka qarxaan, iyadoo labada dhinac ay ciidamo ku xoojinayaan fariisimaha ku yaalla gudaha iyo duleedka Baydhabo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *