Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe oo lagu eedeeyay inay xiriir laleeyihiin Al-Shabaab

Wasiirka Amniga Gudaha ee maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir, oo taabacsan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, ayaa eedeymo culus u jeediyay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Isagoo ciidamo Darawiish ah kula hadlayay duleedka magaalada Baydhabo, ayuu wasiirku ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ahna Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Aadan Madoobe inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale eedeymo la mid ah u jeediyay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Mas’uulku wuxuu sheegay in xiriirrada uu ku andacooday ay yihiin arrimo ay dadka Soomaaliyeed si weyn uga warqabaan, balse hadalladaas ma uusan soo bandhigin caddeymo uu ku xaqiijinayo eedeymaha.
Hadalka ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamo Darawiish ah oo daacad u ah Laftagareen ay ka sameynayeen dhaqdhaqaaq ciidan duleedka Baydhabo, iyadoo dhinaca Laftagareen uu ku baaqayo in la sii wado howlgallada ka dhanka ah ciidamada Federaalka iyo xoogagga Koonfur Galbeed ee ka soo horjeeda.
Wasiirku wuxuu ciidamada ugu yeeray “halgamayaal xorriyadeed”, isagoo sheegay inay dhawaan dib ula wareegi doonaan Baydhabo.









