Ciidamada Laftagareen oo ku wajahan Baydhabo & Ciidamada dowladda oo difaacyo ka qotay…

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in habeenkii maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan laga dareemay duleedka magaalada, iyadoo ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed ee taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ay halkaasi isku aruursadeen.
Saraakiil iyo mas’uuliyiin taageersan Laftagareen ayaa xilli hore oo maalintii ah ciidamo badan kula hadlay duleedka Baydhabo, iyagoo sheegay in dhawaan ay magaalada “xoreyn doonaan”. Hadalladaasi ayaa loo fasirtay inay muujinayaan qorshe lagu doonayo in dib loogu qabsado magaalada.
Dhanka kale, ciidamada dowladda federaalka ee taageeraya guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa gudaha Baydhabo ka wada diyaar-garow difaac oo xooggan.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay qodeen dhufeysyo cusub oo laga sameeyay goobo ay ka mid yihiin Warshada Hassay, Towfiiq iyo Baar-Lugabaxsi.
Ciidamo ayaa sidoo kale lagu arkay saqafyada dhismayaasha ku dhow xaafadda Mursal iyo bartamaha magaalada, gaar ahaan agagaarka bangiga ee isgoyska Mursal.
Dhaqdhaqaaqyada labada dhinac ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in Baydhabo ay ka dhacdo isku dhac militari, inkastoo aan weli la xaqiijin in ciidanka Laftagareen ay wadaan qorshe weerar oo degdeg ah.
Xiisadda ayaa qeyb ka ah loollan siyaasadeed iyo mid ciidan oo sii xoogeysanaya, kaas oo labada dhinac ay ugu hardamayaan gacan ku heynta magaalada Baydhabo.









