Xamsa oo Dooxa ka helay ballanqaad cusub: Qatar oo diyaar u ah iskaashi amni iyo difaac oo ballaaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Doha kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca, Sheekh Sucuud Bin Cabdiraxmaan Bin Xasan Al Taani.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee ku aaddan la dagaallanka khataraha ka dhasha argagixisada xuduudaha ka gudubta, kuwaas oo Soomaaliya iyo dalalka gobolka caqabad weyn ku haya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kulanka uga warbixiyay Wasiirka Difaaca Qatar xaaladda amni ee Soomaaliya, isagoo soo bandhigay horumarka laga sameeyay amniga magaalooyinka waaweyn iyo hawlgallada ciidamada Soomaaliya ay ka wadaan deegaanada ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta.
Dhankiisa, Sheekh Sucuud Bin Cabdiraxmaan Bin Xasan Al Taani ayaa sheegay in Qatar ay garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u tahay in la sii ballaariyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay Qatar soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isagoo sidoo kale bogaadiyay heerka uu marayo xiriirka labada dal.
Xamsa ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada ay siisay qaranimada iyo midnimada Soomaaliya xilliyadii dalka uu wajahayay faragelin iyo xadgudubyo lagu soo qaaday madax-bannaanidiisa.










