Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    9 November 2026

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Maamulka Banaadir oo dhul bilaash ah u qorsheeyay qoysaska ay dowladda dhulkoodii boobtay
    LATEST NEWS

    Maamulka Banaadir oo dhul bilaash ah u qorsheeyay qoysaska ay dowladda dhulkoodii boobtay

    Banaadir24By Banaadir2431 August 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka Xaaji-Cabdi ee degmada Gubadley, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu u qorsheeyay dib-u-dejinta shacabka ay saameeyeen qorshayaasha casriyeynta Caasimadda.

    Deegaanka oo dhawaan laga hirgeliyay Dugsi Hoose iyo Dhexe oo lacag la’aan ah, ayaa sidoo kale leh adeegyada aasaasiga ah ee nolosha, sida biyaha iyo korontada. Sidoo kale, waxaa loo qorsheeyay in laga hirgeliyo suuq, masaajid iyo rug caafimaad.

    Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tallaabadan la fulinayo iyadoo la raacayo amarka iyo jihaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo faraya in casriyeynta Caasimaddu ay barbar socoto ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta.

    Waxa uu xusay in 1,058 (kun iyo konton iyo siddeed) boos oo dhul ah uu Maamulka Gobolka Banaadir u iibiyay dadka ay saameeyeen hawlaha jid-bixinta, kuwaas oo si lacag la’aan ah loogu wareejinayo qoysaska guryahoodu ku soo aadeen jidadka laga bixinayo xaafadaha isku-raranka ah (Obasiibooyinka).

    Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha dib-u-dejinta la sii ballaarinayo, iyadoo dhulal cusub laga iibin doono degmooyinka Daarusalaam, Kaxda iyo Garasbaaley, si halkaas loo dejiyo qoysas kale oo ay saameeyeen hawlaha casriyeynta Caasimadda.

    Kormeerka waxaa Duqa Muqdisho ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo agaasimayaal ka tirsan waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

    Dhanka kale, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta XFS ayaa waddo qorshe lagu dhisayo 10,000 (toban kun) oo guri oo loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleXamsa oo Dooxa ka helay ballanqaad cusub: Qatar oo diyaar u ah iskaashi amni iyo difaac oo ballaaran
    Next Article Gaari qaraxyo iyo hub siday oo la beegsaday, NISA oo fulisay howlgal qorsheysan
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    9 November 2026

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026

    Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib

    9 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    By Banaadir249 November 20260

    Washington (Banaadir24) — Warbixin cusub oo uu daabacay wargeyska The Washington Sun ayaa shaaca ka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026

    Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib

    9 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad
    • Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab
    • Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?
    • Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib
    • Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab iyo mustaqbalka ciidamada AUSSOM

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d