Taliska Ciidanka Xoogga oo tallaabo ka qaadaya askar lagu tuhunsan yahay tacaddiga maxbuus Al-Shabaab ka tirsan oo dagaal lagu qabtay

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa bilaabay baaritaan hordhac ah oo lagu xaqiijinayo muuqaal baraha bulshada lagu faafiyey, kaas oo muujinaya tacaddi loo geystay maxbuus dagaal xilli uu socday howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Taliska ayaa sheegay in baaritaanka lagu hayo xubno ka tirsan Ciidanka XDS oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin falka muuqaalka laga duubay.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa caddeeyay in tacaddiga maxaabiista dagaalka iyo fal kasta oo noocaas ah uu si toos ah uga hor imaanayo xeerarka anshaxa ciidanka, nidaamka ciidamada iyo shuruucda caalamiga ah ee dagaalka.
Taliska ayaa digniin adag u diray dhammaan askarta, isagoo sheegay in tallaabooyin sharci iyo ciidan oo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku xadgudubtay xeerarka dagaalka, xuquuqda maxaabiista iyo xuquuqda aadanaha.
Taliska XDS ayaa sidoo kale xusay in askari kasta oo howlgal ku jira laga doonayo inuu ilaaliyo anshaxa ciidanka iyo sharafta ciidamada, xitaa marka lala dagaallamayo maleeshiyaadka Khawaarijta.
Baaritaanka hordhaca ah ayaa hadda socda, waxaana la filayaa in tallaabo laga qaado cid kasta oo lagu helo mas’uuliyadda falka.










