Booliiska Puntland oo gacanta ku dhigay gaari siday darees ciidan

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen gaari siday 250 darees oo nooca ciidamada ah, kaddib howlgal amni oo laga fuliyay duleedka magaalada Gaalkacyo.
Sida ay sheegeen saraakiisha booliiska, gaariga ayaa la sheegay inuu ka yimid dhanka Galmudug, waxaana gudaha laga helay darees ciidan oo tiro badan. Ciidamada ayaa sheegay in gaariga iyo agabka laga qabtay loo gudbin doono maxkamad si baaritaan sharci ah loogu sameeyo.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan walaacyo amni oo ka taagan Gaalkacyo, iyadoo warar kala duwan ay sheegayaan in ciidamo hore ugu biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin duleedka magaalada.
Dhanka kale, mas’uuliyiinta amniga Puntland ayaa yeeshay kulan ay ku go’aamiyeen in la xoojiyo tallaabooyinka lagu sugayo ammaanka, isla markaana laga hortago wax kasta oo halis gelin kara nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Howlgal kale oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayay Booliiska Puntland ku sheegeen inay ku soo qabteen dhowr qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen falal dilal ah oo hore uga dhacay deegaanno kala duwan oo Puntland ah. Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in baaritaanno dheeraad ah ay socdaan.
Gaalkacyo, oo ay wadaagaan maamullada Puntland iyo Galmudug, ayaa muddo dheer wajahaysay caqabado amni oo la xiriira xiisado siyaasadeed, khilaafaad beeleed iyo falal hubeysan, iyadoo ciidamada ammaanku ay si joogto ah uga fuliyaan howlgallo lagu xoojinayo amniga magaalada.









