LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wasiirrada Difaaca Dalalka ay Ciidamada ka Joogaan Soomalaiya oo Qiray in Ciidamada Soomaaliya Weli Aanay Diyaar U Ahayn La Wareegidda Amniga

Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya ayaa ka digay bixitaan degdeg ah oo AUSSOM ah, kana muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan awoodda ciidamada Soomaaliya.

Kulankii Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya ayaa lagu muujiyay walaac ballaaran oo ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay weli wajahaan caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin weerarrada joogtada ah ee kooxaha argagixisada, ku-tiirsanaanta taageerada dibadda, iyo maalgelin la’aanta joogtada ah ee lagu dhisi karo ciidan isku filan.

Wasiirradu waxay carrabka ku adkeeyeen in aysan habboonayn in howlgalka AUSSOM si degdeg ah uga baxo Soomaaliya, iyagoo ku taliyay in bixitaanka loo fuliyo si tartiib tartiib ah oo qorsheysan muddo u dhexeysa 18 ilaa 24 bilood, si loo siiyo Soomaaliya fursad ay ku xoojiso awooddeeda amni, tababarka ciidamada iyo hannaanka difaaca qaranka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in guusha dagaalka lagula jiro argagixisada ay ku xirnaan doonto dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo awood u leh inuu si madax-bannaan ula wareego mas’uuliyadda amniga dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *