LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sheekh Shariif Oo Dowladda Ku Eedeeyay Inay Dagaalka Ka Leexisay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amniga dalka, isagoo sheegay in aysan suurtagal ahayn in Al-Shabaab laga adkaado haddii ciidamada loogu talagalay dagaalka argagixisada loo adeegsado cabburinta siyaasiyiinta iyo mucaaradka.

Muuqaal uu ku baahiyay boggiisa rasmiga ah ee Facebook, ayuu Shariif ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay si dhab ah uga fekeraan sidii dalka looga badbaadin lahaa xaaladda cakiran ee siyaasadeed iyo amni ee uu sheegay inuu wajahayo.

“Waa adag tahay in Al-Shabaab laga adkaado haddii ciidamada loo leexiyo siyaasiyiinta,” ayuu yiri Shariif.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale dhaliilay qaabka ay u dhisan yihiin ciidamada ammaanka, isagoo sheegay in aysan weli noqon ciidan qaran oo mideysan, balse ay u egyihiin cutubyo ku saleysan beelo, taas oo wiiqeysa awoodda dowladda ee la dagaallanka argagixisada.

Shariif Sheekh Axmed wuxuu intaas ku daray in siyaasadaynta hay’adaha amniga ay dhaawaceyso isku-duwidda howlgalada militari, luminayso kalsoonida shacabka ee dowladda, isla markaana abuureyso fursado ay Al-Shabaab uga faa’iideysan karto xaaladda jirta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *