LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Halyeeygii Fanka Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal oo Geeriyooday

Waxaa saaka oo Jimco ah dalka Mareykanka ku geeriyooday Alle ha u naxariistee fannaankii, laxamiistihii iyo jilaa weynaa Axmed Cali Cigaal, kaddib bilooyin uu xaalad caafimaad ugu jiray gobolka Minnesota.

Axmed Cali Cigaal wuxuu ka mid ahaa haldoorka ugu waaweyn ee fanka Soomaaliyeed, isagoo ka tegay dhaxal farshaxan oo qoto dheer oo saameyn ku yeeshay jiilal badan oo Soomaaliyeed.

Safarkiisa faneed wuxuu bilaabay sanadkii 1967, isagoo jilaa da’yar ka noqday ruwaayado caan baxay, sida Shabeel Naagood ee uu curiyay Alle ha u naxariistee Xasan Sheekh Muumin iyo ruwaayaddii Yaxas Dhagaduub.

Codkiisa gaarka ah iyo hibadiisa faneed ayaa ka dhigtay mid ka mid ah fannaaniintii ugu caansanaa Soomaaliya, isagoo bulshada uga tegay heeso aan waqtigu duugin, sida Dad Hargeysa Soo Maray, Gar Qaado, Sida Dholka Guga, iyo Sida Haro Gin Gimanoo.

Muddo tobannaan sano ah oo uu fanka ku jiray, Axmed Cali Cigaal wuxuu helay abaalmarinno iyo maamuusyo badan oo gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo lagu aqoonsaday kaalintii uu ka qaatay horumarinta muusigga, masraxa iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Abaalmarinnada ugu waaweyn ee la guddoonsiiyay waxaa ka mid ahaa Legend Award, oo uu siiyay The Somali Museum ee dalka Mareykanka, taas oo lagu maamuusay waxqabadkiisii nololeed iyo saameyntiisii joogtada ahayd ee fanka Soomaaliyeed.

Geerida Axmed Cali Cigaal ayaa murugo weyn ku abuurtay bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo lagu xasuusan doono kaalintiisii taariikhiga ahayd ee kobcinta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Ilaahay ha u naxariisto Axmed Cali Cigaal, Jannatul Firdowsana haka waraabiyo. Aamiin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *