Wararkii ugu dambeeyay tirada askarta ku geeriyootay qarax xoogan oo ka dhacay Balcad

Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la soo wariyay in lagu dilay qarax miino ah oo maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay ciidamada ammaanka si joogto ah u isticmaalaan, waxaana la sheegay in walxaha qarxa horay loogu aasay goobta ka hor inta aysan qarxin.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balcad iyo ilo dhinaca amniga ah ayaa xaqiijiyay weerarka, iyagoo sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale. Ilaa iyo hadda ma jirto tiro rasmi ah oo ay dowladda ka soo saartay khasaaraha ka dhashay weerarka.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, iyadoo sheegtay in weerarka lagu beegsaday ciidamada dowladda. Kooxdu waxay sheegatay in ay dishay saddex askari, halka kuwo kalena ay dhaawacmeen.
Dhanka kale, ilo madax-bannaan ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay qaraxa ay gaareyso afar qof, iyadoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada saxda ah ee dhimashada iyo dhaawaca.
Sidoo kale, lama oga in dadka rayidka ah ay ku jiraan dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxa.
Degmada Balcad oo qiyaastii 30 KM waqooyi ka xigta Muqdisho, ayaa horey dhowr jeer uga dhacay qaraxyo iyo weerarro lagu bartilmaameedsaday ciidamada dowladda iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan.









