LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

“Abtiyaalow, ha i dilina” Codkii ugu dambeeyay ee askari lagu dilay shabeellaha dhexe

Waxaa soo baxaya warar murugo leh oo sheegaya in Axmed Shire Xuseen, oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, lagu dilay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, xilli uu fasax ku aadayay deegaanka uu kasoo jeeday ee gobolka Hiiraan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dilka loo geystay uu la xiriiri karo aargoosi beeleed, inkastoo faahfaahinta dhacdada iyo cidda ka dambeysay aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin.

Ka hor inta aan la dilin, waxaa la sheegay in laga duubay muuqaal uu ku leeyahay erayo murugo leh oo ah: “Abtiyaalow, ha i dilina.”

Dhacdadan ayaa dhalisay walaac iyo hadal-heyn xooggan, iyadoo su’aalo laga keenayo amniga dadka u kala safra deegaannada iyo khatarta ay leedahay colaadaha ku saleysan aargoosiga beelaha.

Banaadir24 Online ayaa sii wadi doona la socodka xogta dhacdadan iyo faahfaahinta kasoo baxda ilo lagu kalsoonaan karo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *