LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

War Deg Deg ah: Dagaal qaraar oo hadda ka socda magaalada Baydhabo

Dagaal culus ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka qarxay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo dhinacyada iska soo horjeeda ay adeegsanayaan hub culus iyo rasaas noocyo kala duwan leh.

Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed, oo isku dhinac ah, iyo ciidamo taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Afhayeenka dhanka Laftagareen, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku sheegay in ciidamadooda ay weerar ku qaadeen magaalada Baydhabo, taasoo xaqiijinaysa in dagaalku gudaha magaalada gaaray.

Wararka goobta laga helayo ayaa sheegaya in rasaas culus iyo qaraxyo laga maqlayo qeybo ka mid ah Baydhabo, iyadoo xaaladdu tahay mid aad u kacsan.

Ilaa hadda lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac, waxaana sidoo kale weli is-khilaafsan sheegashooyinka dhinacyada dagaallamaya.

Xaaladda Baydhabo ayaa si weyn loo hadal hayaa, iyadoo magaalada ay horey uga dhaceen dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa taageersan Laftagareen. 

Maadaama dagaalku wali socdo xogo dheeraad ah ayaan ku soo kordhin karnaa marka ay soo baxaan.

Lasoco faahfaahinta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *