Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo maanta ku wajaha Turkiga & xog laga helay

Waxaa lagu wadaa in maanta wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u safraan dalka Turkiga, si loo xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, waxaana qeyb ka ah Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ujeedada safarkooda ayaa la xiriirto Xoojinta iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, Helitaanka taageero cusub oo ku saabsan qalabeynta ciidamada & dardargelinta tababarrada iyo tayeynta ciidanka.
Warar kale oo la xiriira safarkan ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, kuwaas oo muddo tababar ku qaadanayay Turkiga, la qorsheynayo in qaar kamid ah dib loogu soo celiyo dalka si ay uga qeyb qaataan howlgalada socda.
Turkiga ayaa horey u martigeliyay tababarrada ciidamada Gorgor, kuwaas oo ka mid noqday cutubyada ugu tababarka wanaagsan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dowladda Turkiga ayaa kamid ah saaxiibada ugu dhow ee Soomaaliya, iyadoo si joogto ah u bixisa, tababarro ciidan, taageero iyo qalabeyn, ka qeyb qaadasho howlgalada cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidoo kale, Turkiga uu door muuqda ku leh dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya.









