Ukraine oo qabatay Soomaali u dagaalamayay Ruush & Xog yaab leh oo laga helay

Nin Soomaali ah oo hadda maxbuus dagaal ku ah Ukraine ayaa sheegay in markii uu ku biiray ciidamada Ruushka loogu diray meel u dhow furimaha dagaalka isagoo aan helin tababar ciidan oo ku filan.
Ninkan oo Amnesty International ay warbixinteeda ugu yeertay “Ahmed” ayaa sheegay inuu Soomaaliya ka baxay isagoo raadinayay shaqo, nolol wanaagsan iyo fursad uu ku heli karo dhalashada Ruushka.
Ahmed ayaa sheegay inuu shaqo iyo dakhli la’aan ku noolaa Soomaaliya, taas oo ku riixday inuu raadiyo fursad uu dalka uga baxo. Waxa uu sheegay inuusan lahayn khibrad ciidan, isla markaana uusan si buuxda u fahamsaneyn xaaladda dagaalka Ukraine ka hor inta uusan ku biirin ciidamada Ruushka.
Markii uu ciidanka ku biiray, sida uu sheegay, wuxuu helay “tababar aad u yar”, waxaana ugu dambeyn loo diray meel ku dhow furimaha dagaalka isagoo xitaa aan haysan hub.
Ciidamada Ukraine ayaa markii dambe qabtay, waxaana lagu hayaa xero maxaabiis dagaal.
Ahmed ayaa sidoo kale sheegay inuusan awoodin inuu waalidkiis si toos ah ugu sheego inuu weli nool yahay. Sida laga soo xigtay warbixinta, xiriirka uu la sameyn karo qoyskiisa ayaa xaddidan, wuxuuna inta badan adeegsan karaa waraaqo.
Amnesty International ayaa sheegtay in qaar ka mid ah xogta dadka ay wareysatay la qariyay ama magacyada la beddelay si loo ilaaliyo dadka nugul. Sidaas darteed lama xaqiijin karo in “Ahmed” uu yahay magaca dhabta ah ee Soomaaligan.
Sheekadan ayaa iftiiminaysa xaaladda qaar ka mid ah ajaanibta u safra Ruushka iyagoo raadinaya shaqo, dhalasho ama fursad nololeed, balse ugu dambeyn ku dhex milma dagaalka Ukraine.
Banaadir24 Online









