LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Baydhabo gaaray, fariin culusna u diray ciidamada


Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu kulan gaar ah kula yeeshay saraakiisha iyo ciidamada qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka.

Taliyaha oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Qeybta 60-aad, Gaashaanle Sare Isxaaq Aadan (Isxaaq Berdaale), iyo saraakiil kale.

Intii uu ku sugnaa garoonka, General Sahal ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kaddib soo dhaweynta, Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo saraakiisha la socotay ayaa kulan la qaatay saraakiisha Taliska Qeybta 60-aad iyo ciidamada ka howlgala Baydhabo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda ciidamada, xoojinta howlaha amniga iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed.

Booqashada General Sahal ayaa ku soo aadeysa xilli ciidamada Xoogga Dalka ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo awoodda ciidamada, dhiirrigelinta askarta iyo kordhinta howlgalada amni ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *