Türkiga oo saldhig milatari looguna talagalay diyaaradaha dagaalka ka dhisanaya Baydhabo

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu ka hirgeliyo qayb ka mid ah Garoonka Diyaaradaha Baydhabo xarun milatari oo loogu talagalay diyaaradaha dagaalka, oo ay ku jiraan kuwa casriga ah ee F-16, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal u ah qorshaha.
Sida xogaha la helay ay muujinayaan, Ankara ayaa doorbideysa Baydhabo halkii ay ka isticmaali lahayd Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in Turkigu u arko Garoonka Aadan Cadde mid aad u mashquul badan isla markaana wajahaya khataro amni, taasoo keeni karta in carqalad kasta oo dhacda ay saameyn weyn ku yeelato howlaha garoonka ugu weyn dalka.
Qorshaha cusub ayaa la sheegay inuu ku jiro maalgelin ka badan $5 milyan, iyadoo shirkad dhismo oo ka howlgasha Muqdisho loo qorsheeyay inay fuliso ballaarinta Garoonka Baydhabo. Mashruuca waxaa kamid noqon doona:
- Ballaarinta dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan (runway-ga).
- Dhismaha hangar casri ah oo loogu talagalay diyaaradaha dagaalka.
- Xarumo dayactir iyo adeegyo farsamo oo qaabili kara diyaaradaha ciidamada cirka ee Turkiga.
Haddii qorshahan la hirgeliyo, wuxuu noqon doonaa tallaabo kale oo muujinaysa sii ballaarashada iskaashiga milatari iyo difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo sanadihii u dambeeyay ku fiday tababarka ciidamada, iskaashiga difaaca iyo taageerada howlaha amniga.
Qorshahan ayaa kusoo aadaya xilli howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu wajahayo caqabado dhaqaale, iyadoo la filayo in dhammaadka sanadkan ay yaraato taageerada dibadda, taasoo sare u qaadeysa doorka ciidamada Soomaaliyeed iyo saaxiibbada amniga ee Soomaaliya.









