LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Musharraxiinta Galmudug oo amar culus lagu soo rogay kahor tartanka doorashada (Akhriso)

Qeybta Baarista Dambiyada (CID) ee Ciidanka Booliiska Galmudug ayaa soo saartay amar cusub oo ku wajahan dhammaan musharraxiinta u tartamaya doorashooyinka golayaasha deegaanka, iyadoo lagu amray inay maraan baaritaan amni ka hor inta aan loo oggolaan inay ka qayb galaan doorashada.

Sida ku cad warqadda taariikhdeedu tahay 18 Luulyo 2026, musharraxiinta waxaa lagu waajibiyey inay iska xaadiriyaan xafiisyada CID si looga hubiyo in aanay ku jirin diiwaanka dambiyada, isla markaana aanay xiriir ama ku lug lahayn kooxaha Al-Shabaab ama Daacish, ama dambiyo kale oo ka dhan ah shacabka iyo dowladda.

Warqaddu waxay sidoo kale sheegaysaa in musharraxiinta Golaha Wakiillada ay tagayaan xarunta guud ee CID ee Dhuusamareeb, halka musharraxiinta golayaasha deegaanka lagu faray inay iska xaadiriyaan xafiisyada CID ee degmooyinka ay ka tartamayaan.

CID Galmudug ayaa intaas ku dartay in qof kasta oo aan soo marin habraaca baaritaanka aan loo oggolaan doonin inuu sii wato tartanka doorashada, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid lagu xoojinayo amniga iyo hufnaanta geeddi-socodka doorashooyinka.

Warqaddan waxay muujinaysaa in hay’adaha ammaanka Galmudug ay adkeynayaan hubinta taariikhda musharraxiinta ka hor inta aan la guda gelin doorashooyinka golayaasha deegaanka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *