LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Fadeexad Ka Dhex Qaraxday Dowladda: Taliye Ku-xigeenka Booliiska oo Baaritaan Lagu Bilaabay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday baaritaan gudaha ah oo lagu eegayo eedeymo culus oo loo jeediyay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdalla Cabdalla, kadib hadallo uu si fagaare ah u jeediyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, kaas oo ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo dhismaha maleeshiyaad uu ku tilmaamay kuwo la mid ah RSF-ta Suudaan oo laga abaabulayo gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana uu taageero ka helayo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.  

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Banaadir24 ayaa sheegay in hay’adaha dowladda ay bilaabeen ururinta xogta iyo baaritaanka eedeymahaasi. Sida ilo-wareedyadu sheegeen, haddii baaritaanku soo saaro caddeymo taageeraya eedeymaha, waxaa suuragal ah in Jeneraal Cabdalla Cabdalla uu wajaho tallaabooyin sharci iyo maamul oo ay ka mid noqon karaan xil ka qaadis, hakinta shaqada inta baaritaanku socdo, iyo in kiiska loo gudbiyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo Dowladda Federaalka ay ku xaqiijisay in go’aan noocaas ah la gaaray ama in tallaabooyinkaas la ansixiyay. Sidoo kale, Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa la sheegay inuu beeniyay eedeymaha loo jeediyay, isagoo ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn.  

Hadallada Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka ayaa durba kiciyay dood siyaasadeed oo xooggan, maadaama ay taabanayaan arrimo la xiriira amniga qaranka, xiriirka dibadda, iyo doorka hay’adaha ammaanka.

Waxaa la filayaa in dowladda ama hay’adaha amniga ay soo saaraan faahfaahin dheeraad ah haddii baaritaanku gaaro natiijo rasmi ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *