Turkiga oo dalkiisa kasoo tarxiilay 50 qof oo Soomaali ah

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay Muqdisho u masaafurisay 50 muwaadin Soomaali ah, kuwaas oo ay ku jiraan dad lahaa ballamo caafimaad, arday ku jiray barnaamijyo waxbarasho iyo Soomaali kale oo la sheegay inay haysteen dukumentiyo sharci ah oo ay dalka Turkiga ku joogaan.
Kooxdan ayaa Talaadadii soo gaartay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in diyaaraddii ay la socdeen ay ka degtay qeyb gaar ah oo ka tirsan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Masaafurintan ayaa kusoo beegmeysa xilli maamulka Turkiga uu howlgallo socda oo la xiriira socdaalka iyo deganaanshaha ka sameynayo magaalooyin kala duwan oo dalkaasi ah. Wararka la helayo ayaa sheegaya in 50-ka qof ay ku biireen ku dhawaad 150 Soomaali ah oo horay loogu xiray howlgallada socda.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin sababta sharci ee qof kasta loogu masaafuriyay, iyadoo sidoo kale aanay dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkigu si rasmi ah uga hadlin tallaabadan cusub.
Masaafurinta ayaa walaac hor leh ka abuurtay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga, gaar ahaan dadka qaba xaalado caafimaad, ardayda waxbarashada ku jirta iyo dadka haysta dukumentiyada sharciyeed.
Su’aalo ayaa sidoo kale ka dhashay in xaaladda qof kasta si gaar ah loo baaray ka hor inta aan la qaadin tallaabada masaafurinta.









