Taliyihii saldhigga Baooliiska Jarriiban oo la dilay & Gacan ku dhiiglihii oo la qabtay

Wararka laga helayo degmada Jariiban ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay Taliyihii saldhigga booliiska Jarriiban Gaashaanle Guuleed Cabduqaadir Kadleeye.
Inkastoo aanan faahfaahin badan laga helin qaabka uu udhacay dilka taliyaha hadana wararku waxay sheegayaan in dilka taliyaha uu geystay nin hubeysan.
Dhanka kale Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay eedeysanaha lagu magacaabo Ibraahim Axmed Kooshin, kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay dilkii Taliyihii Saldhigga Degmada Jariiban, Alle ha u naxariistee G/le Guuleed Kadleeye.
Sida uu sheegay talisku, ciidamada booliska ayaa fuliyay howlgal degdeg ah oo lagu soo qabtay eedeysanaha, waxaana la qorsheynayaa in si rasmi ah loogu gudbiyo hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo hannaanka sharciga.
Booliska Mudug ayaa sheegay in baaritaannada la xiriira kiiskan ay sii soconayaan, iyagoo adkeeyay in cid kasta oo ku lug yeelata falal amniga lid ku ah lala xisaabtami doono.
Dhanka kale, Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa mar kale tacsi u diray ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum G/le Guuleed Kadleeye, iyagoo Alle uga baryay inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa iyo shacabka Puntland.









