Iskaashi cusub oo dhanka difaaca ah! Soomaaliya iyo Urdun oo xoojinaya xiriirka ciidamada

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Urdun, ayaa kulan heer sare ah la qaatay Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Urdun, Sarreeye Gaas Yuusuf Axmed Al-Xuneyti.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka difaaca iyo amniga, iyadoo labada dhinac ay isla garteen in la ballaariyo wada-shaqeynta ciidan, tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo iskaashiga la dagaallanka argagixisada.
Mas’uuliyiinta Urdun ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya la wadaagay warbixin ku saabsan awoodda iyo qaab-dhismeedka Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, iyagoo muujiyay diyaar garowga ay u qabaan inay Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada tababarka, horumarinta ciidamada iyo is-weydaarsiga khibradaha militari.
Dhankiisa, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Urdun taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay xaaladda amni ee Geeska Afrika, halganka dowladda kula jirto kooxaha argagixisada iyo guulaha ay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ka gaareen furimaha dagaalka.
Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Urdun, Abiib Muuse Faarax, iyo saraakiil sare oo ka kala socday ciidamada labada dal, kuwaas oo adkeeyay in iskaashiga cusub uu door weyn ka qaadan doono xoojinta awoodda difaaca iyo amniga gobolka.









