LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dagaal qaraar oo ka dhacay Baydhabo & Wararkii ugu dambeeyay

Waxaa xalay illaa saaka waaberigii dagaal culus laga soo sheegay magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Bay, iyadoo rasaas xiriir ah iyo hub culus laga maqlayay qaybo badan oo magaalada ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in madfacyo ay ku dhaceen agagaarka Waddada Soddonka, oo ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Baydhabo, taasoo cabsi xooggan ku abuurtay shacabka.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka uu dhex maray ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaad isku magacaabay “ciidamada dib u xoreynta Koonfur Galbeed”, kuwaas oo hore u sheegay inay doonayaan inay la wareegaan gacan ku haynta magaalada Baydhabo.

Wararka hordhaca ah waxay sidoo kale tilmaamayaan inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalka hase yeeshee ilaa iyo hadda lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee khasaaraha, mana jirto cid si rasmi ah u shaacisay.

Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha ammaanka ayaan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan sababta dagaalka, dhinacyada oo dhan ee ku lugta leh iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, iyadoo shacabka ay ka cabsi qabaan in dagaalladu mar kale dib u qarxaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *