LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Taliyihii hore amniga degmada Afmadow oo toogasho lagu dilay

Wararka laga helayo degmada Afmadow ayaa waxay sheegayaan in xalay halkaas lagu dilay Cabdulqaadir Cadow Cabdullaahi, oo ahaa Taliyihii hore ee Amniga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoona taliyaha lagu dilay weerar qorsheysan oo ka dhacay gudaha degmada Afmadow, sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegayaan in marxuumka uu weerarka ku geeriyooday isaga iyo askari kale oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka Jubbaland.

Sida ay dadka deegaanka sheegeen, weerarka waxaa fuliyay rag hubeysan oo aan weli la aqoonsan, kuwaas oo goobta ka baxsaday isla markiiba kadib markii ay rasaasta fureen.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Dhanka kale, maamulka Jubbaland weli kama uusan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dilka Taliyihii hore ee Amniga degmada Afmadow iyo askariga kale, mana shaacin in la bilaabay baaritaan rasmi ah ama cid loo qabtay.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli ay weli jiraan caqabado amni iyo weerarro ka dhaca qaybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, iyadoo la sugayo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdadan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *