Madaxweyne Xasan Sheekh oo qorsheynaya inuu xilka iyo darajooyinka ka qaado Cabdala Cabdala

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka fiirsanayo in xilka laga qaado Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdalla Cabdalla, isla markaana laga xayuubiyo darajadiisa ciidan, kaddib eedeymo la xiriira inuu la shaqeynayo dowlad shisheeye.
Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay la mid noqon karto go’aankii uu hore u qaaday Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo xilka ka qaaday Cabdalla Cabdalla kana qaaday darajadiisa ciidan isagoo wajahaya eedeymo la mid ah.
Markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu talada dalka dib ugu soo laabtay sanadkii 2022, Cabdalla Cabdalla ayaa dib loogu soo celiyay xilkiisa iyo darajadiisii ciidan, iyadoo dowladda ay xilligaas sheegtay inay dib u saxeyso go’aanno hore loo gaaray.
Hase yeeshee, wararka hadda soo baxaya ayaa muujinaya in dowladda Federaalka ay mar kale ka fiirsaneyso tallaabo ka dhan ah sarkaalkan sare, inkastoo aan weli jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada ama Taliska Booliska.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka uu si toos ah ugu eedeeyay Cabdalla Cabdalla inuu wakiil uga yahay dowlad shisheeye isla markaana uu ka abaabulayo gobolka Shabeellaha Hoose ciidan uu ku tilmaamay mid la mid ah Rapid Support Forces (RSF) ee Suudaan.
Dhankiisa, General Cabdalla Cabdalla ayaa si cad u beeniyay dhammaan eedeymaha loo jeediyay. Qoraal uu ku baahiyay bartiisa rasmiga ah ee Facebook ayuu ku sheegay in dhammaan eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.









