LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Burcad badeed afduubatay Markab kale oo shidaal

Markab shidaal oo wata calanka Tanzania ayaa lagu afduubtay meel u dhow xeebaha Yemen, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in falka ay ka dambeeyeen burcad-badeed looga shakisan yahay Soomaali.

Wararka ayaa tilmaamaya in markabka, oo ka yimid Yemen, loo leexiyay dhanka biyaha Soomaaliya, gaar ahaan xeebaha gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo la rumeysan yahay inuu ku wajahan yahay.

Hay’adaha la socda amniga maraakiibta iyo ilaha amniga ayaa sheegay in baaritaanno ay socdaan si loo xaqiijiyo cidda ka dambeysa afduubka, xaaladda shaqaalaha saaran markabka iyo halka uu ku dambeyn doono.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli muddooyinkii dambe ay soo baxayeen walaacyo la xiriira dib u soo laba kacleyn karta falalka burcad-badeedda ee ka dhaca Gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya.

Ilaa iyo hadda, mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo kuwa Tanzania midkoodna si rasmi ah ugama uusan hadlin afduubkan ama faahfaahin dheeraad ah kama bixin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *