Muqdisho (Banaadir24) — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho ugu tegay askarta Qaranka ee ku dhaawacantay howlgallada milateri ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu dabiibayo Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyaha ayaa mid mid u wareystay askarta dhaawacantay, isagoo wax ka weydiiyey xaaladdooda caafimaad, isla markaana u muujiyey garab istaag, dhiirrigelin iyo taageero. Waxa uu sidoo kale warbixin ka dhegeystay saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka, kuwaas oo faahfaahin ka siiyey xaaladaha caafimaad ee askarta iyo dadaallada ay wadaan dhakhaatiirta si ay u helaan daryeelka caafimaad ee ay u baahan yihiin.
S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa bogaadiyey geesinimada, naf-hurnimada iyo waddaniyadda ay muujiyeen ciidamada ku dhaawacmay dagaallada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin dadaallada ay ciidamada Qaranku ugu jiraan difaaca dalka, shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah garab istaagga hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka uu u muujinayo ciidamada ku dhaawacma howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

