Muqdisho (Banaadir24) — Col. Xasan Kaafi oo ahaa Abaanduulaha Guutada 17-aad, Qaybta 1-aad ee Ciidanka Gorgor, ayaa xabsiga loo taxaabay, iyadoo lala xiray Col. Aadan Baaruud iyo taliye urur oo ka tirsanaa isla guutada.
Saraakiishan ayaa la sheegay in loo haysto dayacaad la xiriirta dagaalkii ka dhacay deegaanka Jameeco, kaddib markii lagu eedeeyay inay dayaceen difaacyadii ay mas’uulka ka ahaayeen, taasoo la sheegay inay kooxda Al-Shabaab siisay fursad ay ku weerarto fariisimaha ciidamada dowladda.
Sidoo kale, saraakiishan ayaa lagu tuhunsan yahay in gaadiid milatari oo ay mas’uul ka ahaayeen uu gacanta u galay Al-Shabaab intii uu socday dagaalka.
Xogta la helayo ayaa intaas ku dartay in xariggan uusan khusayn ciidamada uu sameeyay taliyihii watay ciidanka gaarka ah iyo kuwa 12-ka April.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo si faahfaahsan looga hadlay eedeymaha loo haysto saraakiishan.
