Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Uganda Oo Bilowday Daad-gureynta Ciidamadeeda Soomaaliya, 111 Askari Oo Muqdisho Laga Qaaday

    31 October 2026

    Fadeexad ka dhalatay dagaalkii Jameeco: Abaanduulihii Guutada 17-aad ee Gorgor iyo saraakiil kale oo…

    30 October 2026

    Turkiga oo Ballidoogle ka dhisanaya xarun laga hago duqeymaha Al-Shabaab

    30 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Uganda Oo Bilowday Daad-gureynta Ciidamadeeda Soomaaliya, 111 Askari Oo Muqdisho Laga Qaaday
    LATEST NEWS

    Uganda Oo Bilowday Daad-gureynta Ciidamadeeda Soomaaliya, 111 Askari Oo Muqdisho Laga Qaaday

    Banaadir24By Banaadir2431 October 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muqdisho (Banaadir24) — Diyaarad laga leeyahay dalka Kenya oo galabta ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay dalka Uganda u qaadday 111 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda, taasoo noqonaysa duulimaadkii ugu horreeyay ee daad-gureyn ah oo la xiriira ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

    Diyaaraddan oo nooceedu yahay Fokker 100, laguna diiwaangeliyey lambarka 5Y-SKE, ayaa la sheegay in dowladda Uganda ay kireysatay si ay ciidamadeeda uga qaaddo Soomaaliya.

    Tallaabadan ayaa timid kaddib markii la sheegay in Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, uu dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku wargeliyey qorshaha dowladdiisa ee ah inay qayb ka mid ah ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya ka hor 15-ka November 2026.

    26-kii October, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqasho hal maalin ah ku tegay magaalada Kampala, halkaas oo uu kula kulmay Museveni, isagoo la sheegay inuu isku dayayey inuu ku qanciyo dowladda Uganda inay dib uga laabato go’aanka ciidamadeeda.

    Hase yeeshee, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wada-hadallada labada dhinac aysan ku dhammaan heshiis lagu beddelayo go’aanka Kampala.

    Ciidamada Uganda ee ku howlgala heshiisyada amni ee labada dal iyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa la sheegay inay qayb ka yihiin ciidamada laga saarayo Soomaaliya.

    Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la filayaa inuu ka mid noqdo meelaha ay sida weyn u saameyn karto bixitaanka ciidamada, iyadoo daad-gureynno kale la qorsheeyay inay socdaan illaa 4-ta November.

    Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka joogay ciidamo tan iyo sanadkii 2007, iyadoo door weyn ka qaadatay howlgalladii Midowga Afrika iyo taageerada ciidamada dowladda Soomaaliya ee la wareegista magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla koonfurta dalka.

    Bixitaanka ciidamada Uganda ayaa dhaliyey su’aalo cusub oo ku saabsan mustaqbalka howlgalada amni ee Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeelan karto xaaladda amni ee dalka oo weli jilicsan.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleFadeexad ka dhalatay dagaalkii Jameeco: Abaanduulihii Guutada 17-aad ee Gorgor iyo saraakiil kale oo…
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Fadeexad ka dhalatay dagaalkii Jameeco: Abaanduulihii Guutada 17-aad ee Gorgor iyo saraakiil kale oo…

    30 October 2026

    Turkiga oo Ballidoogle ka dhisanaya xarun laga hago duqeymaha Al-Shabaab

    30 October 2026

    Sababta Uganda ay ciidamadeeda ugala baxayso Soomaaliya oo la ogaaday

    30 October 2026

    Turkiga oo maraakiib sida saanad milatari usoo diray Soomaaliya

    30 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Uganda Oo Bilowday Daad-gureynta Ciidamadeeda Soomaaliya, 111 Askari Oo Muqdisho Laga Qaaday

    By Banaadir2431 October 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Diyaarad laga leeyahay dalka Kenya oo galabta ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Fadeexad ka dhalatay dagaalkii Jameeco: Abaanduulihii Guutada 17-aad ee Gorgor iyo saraakiil kale oo…

    30 October 2026

    Turkiga oo Ballidoogle ka dhisanaya xarun laga hago duqeymaha Al-Shabaab

    30 October 2026

    Sababta Uganda ay ciidamadeeda ugala baxayso Soomaaliya oo la ogaaday

    30 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Uganda Oo Bilowday Daad-gureynta Ciidamadeeda Soomaaliya, 111 Askari Oo Muqdisho Laga Qaaday
    • Fadeexad ka dhalatay dagaalkii Jameeco: Abaanduulihii Guutada 17-aad ee Gorgor iyo saraakiil kale oo…
    • Turkiga oo Ballidoogle ka dhisanaya xarun laga hago duqeymaha Al-Shabaab
    • Sababta Uganda ay ciidamadeeda ugala baxayso Soomaaliya oo la ogaaday
    • Turkiga oo maraakiib sida saanad milatari usoo diray Soomaaliya

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d