Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa qorsheynaya inay xarun gaar ah oo laga hago hawlgallada cirka ka hirgeliyaan xerada Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo la doonayo inay xoojiso dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Xaruntan ayaa la qorsheynayaa inay door muhiim ah ka qaadato hawlgalka milatari ee Banooda, kaas oo diiradda lagu saarayo deegaanada Jameeco iyo waddada isku xirta Wanlaweyn iyo Buurhakaba.
Hawlgalka waxaa hoggaaminaya ciidamada Kumaandooska Gorgor iyo Danab, iyadoo qorshaha guud uu yahay in Al-Shabaab laga saaro deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Baay.
Sida qorshuhu yahay, xarunta Ballidoogle ayaa taageero dhinaca cirka ah siin doonta ciidamada dhulka uga jira dagaalka, iyadoo la xoojinayo doorka milatari ee Turkiga, xilli ay hoos u dhacday taageeradii duqeymaha cirka ee Mareykanka.
Tallaabadan ayaa la filayaa inay wax ka beddesho awoodda ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, gaar ahaan dhinaca xog-ururinta, hagista duqeymaha iyo taageerada degdegga ah ee ciidamada dhulka.
