Tabaryarida dowladda Soomaaliya oo banaanka imaaneysa haddii ay arrintaan dhacdo

Warbixin cusub ayaa si weyn uga digtay in howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo caqabaddii ugu weyneyd tan iyo markii uu billowday, iyadoo khilaafka maalgelinta iyo taageerada caalamiga ah uu gelinayo mustaqbalka howlgalka xaalad hubanti la’aan ah.
Khubarada amniga iyo diblomaasiyiinta ayaa ka digaya in haddii aan xal degdeg ah loo helin maalgelinta howlgalka, ay halis geli karto awoodda AUSSOM ee taageerada ciidamada Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay Soomaaliya weli wajahdo weerarro joogto ah iyo howlgallo militari oo ka socda gobollo badan.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in UNSOS, oo ah hay’adda Qaramada Midoobay ee bixisa saadka, gaadiidka, caafimaadka, shidaalka, dayactirka iyo adeegyada kale ee lagama maarmaanka u ah howlgalka, ay si weyn ugu tiirsan tahay maalgelinta caalamiga ah. Haddii taageeradaasi yaraato ama istaagto, waxaa adkaan karta in AUSSOM ay sii waddo howlaha ay hadda ka waddo Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Midowga Afrika uu wali ku jiro dadaallo lagu raadinayo maalgelin joogto ah oo la saadaalin karo, maadaama kharashaadka howlgalka iyo gunnooyinka ciidamada ay yihiin culays sii kordhaya. Warbixintu waxay xustay in dib-u-dhac kasta oo ku yimaada dhaqaalaha uu dhaawici karo niyadda ciidamada iyo awoodda howlgalka.
Dhinaca kale, Midowga Afrika ayaa sheegay in AUSSOM ay weli sii waddo waajibaadkeeda, balse hoggaanka howlgalka ayaa qiray in wejiga xiga ee howlgalka uu noqon doono mid aad u xasaasi ah haddii aan la helin taageero dhaqaale oo waarta.
Haddii aan xal loo helin caqabaddan, falanqeeyayaashu waxay ka digayaan in Soomaaliya ay wajahdo khatar firaaq amni, xilli dowladda Federaalka ay qorsheynayso in ciidamada qaranku si tartiib tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.









