Siyaasiyiinta mucaaradka oo shaaciyay bannaanbaxyo cusub, kuna dhawaaqay..

Golaha Samatabixinta Mucaaradka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay magaalada Muqdisho ka bilaabi doonaan bannaanbaxyo toddobaadle ah laga bilaabo 4-ta Juun, kuwaas oo la qorsheeyay inay dhacaan maalin kasta oo Khamiis ah ilaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo lagu mideysan yahay oo ku saabsan doorashada dalka.
Go’aankan ayaa lagu shaaciyay shir jaraa’id oo ay hoggaamiyeyaasha mucaaradku ku qabteen Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno kale oo ka tirsan madasha mucaaradka.
Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo dowladda dhexe uu dhammaaday, isaga oo ku dooday in nidaam kasta oo doorasho oo aan lagu saleyn heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay aanu heli karin sharciyad buuxda.
Waxa uu sheegay in toddobaadyadii lasoo dhaafay ay jireen dadaallo lagu doonayay in dowladda iyo mucaaradku isku afgartaan arrimaha doorashada, balse wada-hadalladaasi aysan natiijo dhalin.
“Doorasho dhinac keliya ma maamuli karo. Waxaa muhiim ah in lagu heshiiyo guddiyada doorashada, hannaanka loo marayo iyo waqtiga ay ku qabsoomayso,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale, waxa uu si adag u dhaliilay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo, isaga oo sheegay inay muujiyeen heerka kala qeybsanaanta siyaasadeed iyo eedeymaha la xiriira musuqmaasuqa ee ka dhalan kara doorasho aan lagu heshiin.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in mucaaradku qorsheynayo bannaanbaxyo nabadeed oo xiriir ah, kuwaas oo uu sheegay inay shacabka Muqdisho fursad u siin doonaan inay muujiyaan dareenkooda siyaasadeed.
Waxa uu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool Muqdisho, ay si nabad ah uga qeyb qaataan mudaharaadyada la qorsheeyay kadib munaasabadda ciidda.
“Mucaaradku wuxuu sii wadayaa dadaallada lagu doonayo in dalka lagu gaaro doorasho heshiis lagu yahay. Bannaanbaxyaduna waxay qeyb ka yihiin cadaadis siyaasadeed oo nabadeed,” ayuu yiri Cabdishakuur.
Waxa uu sidoo kale ku dooday in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aanu hadda haysan sharciyad siyaasadeed oo buuxda, maadaama sida uu sheegay uu dhammaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay ciidamada ammaanka iyo kuwa militariga u dirtay deegaanno ay ka jireen dagaallo culus iyo xiisado siyaasadeed, arrintaas oo ay sheegeen inay sababtay dhimashada askar iyo saraakiil ciidan.
Waxay ku baaqeen in ciidamada qaranka laga ilaaliyo in loo adeegsado dano siyaasadeed, iyaga oo xusay in loo baahan yahay in xoogga la saaro sugidda amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha hubeysan.









