LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Nabaddoon Caan ah oo Caawa Gutigiisa lagala baxay & xiisad ka dhalatay

Xiisad ka dhalatay muran dhuleed oo muddooyinkii dambe ka taagnaa xaafadda Buulo Daa’uud ee degmada Kaaraan ayaa cirka isku shareertay, kadib markii ciidamada booliiska degmada ay xireen Nabadoon Yuusuf Cadoow oo kamid ahaa dadka si weyn uga cabanayay waxa uu ku tilmaamay dhul boob lagu hayo deegaankaasi.

Wararka laga helayo degmada Kaaraan ayaa sheegaya in ciidamada booliiska oo uu hoggaaminayay taliyaha saldhigga degmada ay Caawa gurigiisa kala baxeen nabadoonka, iyagoo kadibna u taxaabay saldhigga booliiska.

Nabadoon Yuusuf Cadoow ayaa caan ka ah waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaana lagu yaqaanaa inuu si joogto ah uga hadlo cabashooyinka la xiriira dhulalka.

Xarigga nabadoonka ayaa yimid kadib markii uu si fagaare ah u sheegay in dhul ku yaalla xaafadda Buulo Daa’uud lagu hayo boob iyo musuq la xiriira lahaanshaha dhulka. Waxa uu si gaar ah eedeyn ugu jeediyay xaaska Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, isagoo ku andacooday inay ku lug leedahay muranka dhulkaasi.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya ama maamulka degmada Kaaraan oo si cad u sharaxaya sababta rasmiga ah ee loo xiray Nabadoon Yuusuf Cadoow.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *