Madaxweyne Museveni Oo Fariin Culus Diray: “Soomaaliya Lama Dayici Doono”

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in dalalka Afrika ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya, xitaa haddii Mareykanka iyo deeq-bixiyeyaasha kale ay joojiyaan maalgelinta iyo taageerada howlgalka AUSSOM.
Museveni, oo ka hadlay gebagebadii Shirkii Gaarka ahaa ee Madaxda Dalalka Ciidamada ku leh Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Kampala, ayaa sheegay in Afrika ay hore u xallisay caqabado badan oo amni iyadoo isku tashatay, islamarkaana aysan Soomaaliya cidlo uga tagi doonin.
“Haddii beesha caalamka ay rabto inay baxdo, ha baxdo. Dhibaatooyinkii aan xallinnay waxaan ku xallinnay taageerada walaalaheen Afrika. Soomaaliya lama dayici doono, awood ayaan u leenahay inaan garab istaagno,” ayuu yiri Museveni.
Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in ciidamadooda Soomaaliya loo geeyay si looga hortago khatarta kooxaha xagjirka ah ee halista ku ah amniga Geeska Afrika, isagoo xusay in Uganda ay sidoo kale garab istaagtay Itoobiya xilli ay wajahaysay khataro amni oo ka imanayay kooxo hubeysan.
Shirkan ayaa yimid kadib markii Mareykanku uu Midowga Afrika ku wargeliyay 1-dii Luulyo 2026 inuusan taageeri doonin cusboonaysiinta howlgalka AUSSOM marka arrintaas la horgeeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bisha Diseembar.
Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa markale xaqiijiyay inay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in la helo maalgelin joogto ah oo lagu sii wado howlgalka AUSSOM.









