LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro: Saraakiil iyo Ciidamo Hor Leh oo Ku Biiray Ciidamada Daacadda u ah Cabdicasiis Laftagareen

Maamulkii hore ee Koonfur Galbeed ee uu hoggaamin jiray Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa shaaciyay in saraakiil ciidan, ciidamo iyo mas’uuliyiin cusub ay maanta ku biireen waxa ay ugu yeereen halganka dib-u-xoreynta Koonfur Galbeed.

Sida ay sheegeen, xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale ayaa furimaha hore ku soo dhaweeyay ciidamada iyo saraakiisha cusub ee ku biiray dhaqdhaqaaqa, iyagoo tilmaamay in uu sii xoogeysanayo taageerada loo hayo ololahan.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa ay furimaha hore soo gaarayaan saraakiil, ciidamo iyo mas’uuliyiin cusub, arrintaas oo ay ku macneeyeen inay muujineyso dardar iyo taageero sii kordheysa oo loo hayo halganka.

Ma jirto weli war madax-bannaan oo xaqiijinaya tirada ciidamada ku biiray ama saameynta ay arrintan ku yeelan karto xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *