Ciidanka Xoogga Dalka oo dardargelinaya wejiga xiga ee howlgalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyagoo bilaabay safar la xiriira xoojinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Garoonka Diyaaradaha Baydhabo waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Safarka Taliyaha waxaa ku wehelinaya Taliyaha Ciidanka TurkSom, General Sebahattin Kalkan, Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Madeey Nuur Sheekh Ufurow, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Sida lagu sheegay wararka rasmiga ah, ujeeddada socdaalkan ayaa ah dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, kor u qaadista isku-duwidda ciidamada iyo dhiirrigelinta cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.
Socdaalka wafdigan heerka sare ah ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay wadaan gulufyo militari oo lagu beegsanayo fariisimaha Khawaarijta ee gobollada Bay, Bakool iyo deegaannada ku dhow, iyadoo la filayo in booqashadan ay sare u qaaddo diyaar-garowga iyo dardargelinta howlgalada socda.









